The Blog

Siciid Maxamed Jibriil oo ah guddoomiye xigeenka Jaamacadda Hargeysa ayaa mawduucan 4/April/2019 waxa uu kaga hadlay barnaamijka caalamiga ah ee TEDx Hargeisa oo sannad kasta lagu qabto magaalada Hargeysa. Siciid ayaa qeexay ugu horreyn in shaqo laa’anta loo yaqaan qof shaqo raadinaya, oo aan shaqayn. Qofku haddii aannu shaqo raadinayn, lama odhan karo shaqo la’aan baa haysa. Kadib Siciid waxa uu ka sheekeeyey in shaqo la’aantu ay tahay mid sidii loo dhimi lahaa dedaal weyn ay ugu jiraan dawladaha adduunku. Dawlad kastana siyaasadaheeda xagga hore kaga jirto. Siciid waxa uu soo qaatay qaar ka mid ah heerka shaqo la’aanta dalalka Afrika. Dalka Kenya heerka shaqo la’aantu waxa uu marayaa 39.1% boqolkiiba, Ethopia waxa uu marayaan dadka aan shaqaynin boqolkii ba 16.6% . Halka dalka Tansaaniya ay shaqo la’aantu marayso boqolkiiba 21%. Sida oo kale Ugand oo ka mid ah dalalka Afrika ee aadka u yareeyey ayey shaqo laantu maraysaa boqolkiiba 18%. Somalia iyo Somaliland ayey heerka shaqo laantu maraysaa boqolkiiba 70%. Haddaba, waxa is waydiin leh dadka intaa le’eg maxay u shaqo la’ yihiin ma doorashaa mise waa dookh?

Siciid ayaa soo qaatay laba sheeko midna ka dhacday dalka gudahiisa midna uu kula kulmay mid ka mid ah dalalka Iskaandaneefiyaanka oo uu shir u tagay. Waxa uu sheegay in uu ku arkay hotelkii shirku ka dhacayey qof soomaali ah oo ka shaqaynaya nadaafadda qolalka. Qofkii ayaa uu waraystay oo wayddiiyey in uu ku qanacsan yahay shaqada iyo mushaarka uu qaato. Qofkii waxa uu u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay shaqada, lacag kun iyo lix boqol oo dollar {$1600} ahina ka soo gasho. Safarkaa kaddib ayuu Siciid suuqa Hargeysa ee Waaheen kula kulmay qof ajaanib ah oo ka shaqaynaya nadaafadda. Waxa uu wayddiiyey shaqadan uu hayo iyo mushaarka uu ka qaato. Qofkii ajaanibka ahaa waxa uu u sheegay in uu muddo saddex sanno ah Hargeysa ka shaqaynayey, in isugeyn lacag gaadhaysa $1400 ahi ay ka soo galaan. In uu meheradaha xaadho, kadibna qaarna bil ku siiyaan, qaarn maalinle ayuu u sheegay.

Haddaba Siciid waxa uu is barbardhigay qofkan qurbaha joogaa, siddeed saacadood ayuu shaqeeyaa, kan ajaanibka ah ee dalka ka shaqaysanayana saddex saacadood ayuu qabanayaa, haddana mushaar ahaan waa isku dhaw yihiin! Waxa uu is waydiiyey sababma ayaa qofka soomaaliga ahi marka uu dalka joogo loogu kari la’yahay shaqooyinkan qabo, marka uu qurbaha tago ama dal kalena uu qofku u qabtaa oo ugu faraxsan yahay? Siciid waxa uu soo dhiraandhiriyey saddex arrimood oo u sabab ah:

1. “Aragti {Attitude} qaldan oo aan ka haysano shaqooyinka qaar. Waxa aan aaminsan nahay in shaqooyinka nadaafadda, kuuliga, hoteellada iwm ay yihiin qaar hoosayn ah oo qofka dhallinyarada ee wax bartay iyo ka aan wax baran ba ay ceeb u arkaan.

2. Behaviour {Habdhaqaka} Habdhaqankeenna oo uu saameyn weyn ku leeyahay dhaqanku ayaa ka mid ah waxyaabaha inaga hor taagan. Sababta oo ah dhaqan ahaan la inaguma soo barbaarin in ay shaqooyin muhiim ah oo wanaagsan yihiin shaqooyinkan iyo in shaqo kasta la qaban karo oo muhiimadu tahay qofku in uu dheef la soo baxo. Dhaqankuna waa caqabada labaad, balse waa mid fudud oo la beddeli karo.

3. Xirfad la’aan ayaa ah qodobka saddexaad oo inaga hortaagan qabashada shaqooyinkan.

Labada qodob ee habdhaqanka ama dhaqanka bulsheed ee diidaya qabashada shaqooyinka qaar iyo xirfad la’aanta ba waa la xalin karaa, balse hawsha innoo taallaa waa sidii aan u beddeli lahayd aragtida ku aadan shaqada taas oo ah mid adag oo in maskaxda qofka ibnu aadanka ah wax lagu shubo waa shaqo adag” ayuu ku soo gabogabeeyey Siciid Maxamed Jibriil.

W.Q Bahda Han

Xigasho: TEDx Hargeisa

Leave a Comment

Your email address will not be published.

Your Comment*

Name*

Email*

Website