The Blog

Afar hab ayaa lagu kobciyaa dakhliga ganacsi. Waxa suuragal ah in ganacsato badan oo yaryar iyo dhexe ba ahi ay yaqaanaan keliya hal qaab ama ugu badnaan laba hab ama wado oo lagu kordhiyo dakhliga soo gelaya. Dakhliga ama lacagta soo gelaysa ganacsigu waxa ay ugu jirtaa halka ay naftu ugu jirto noolaha. Ganacsigana xabaalaha ayaa loo qaadaa marka uu istaago dakhliga soo gelayaa ama dakhli soo geli waayo. Sababta oo ah dakhligu ganacsiga waxa uu u yahay wadnaha dhiigga habaya. Haddii uu istaagana, ganacsigii waa uu kacaa. Haddaba waxa aan soo qaadanaynaa afar dariiq ama hab oo kuu saamaxaya in uu kordho dakhliga soo gelaya ganacsigaagu. Waa habab kuu sahlaya in haddii aad mid ku guuldaraysato aad uga wareegto mid kale, taas oo hirgelin karta guusha ganacsiga.

1. Kordhinta Macaamiisha
Shirkaddu si ay u hesho dakhli badan waa in ay soo jiidato macaamiil badan oo ka iibsata adeega ama alaabta ay bixiyaan. Habkani waa ka ugu caansan ee ganacsatadu adeegsato. Kordhinta macaamiisha shirkadda iyo dakhliga ku soo gelayaa waa laba isku xidhan. Macaamiishu waa isha quudisa nolosha shirkadda. Habkani waa ka inta badan ay ka fekeraan ganacsatada soomaalidu, haddii ay awoodi waayaan kordhinta macaamiishana waa ay is dhiibaan oo sidaa ayey meheradu ku kacdaa. Waxa suuragal ah in aad is waydiinayso side loo kordhiyaa macaamiisha ganacsiga? Habab kala duwan oo ay ka mid tahay in adeega ama alaabta aad bixinaysaa uu ka duwan yahay kuwa suuqa yaalla ee tartamayaashaadu bixinayaan ayaa ka mid ah siyaabaha loo soo jiito macaamiil cusub. Qoraallo kale ayeynu kaga warrami qodobbada soo jiidashada macaamiisha IA.

2. Kordhinta iibka macmiil kasta
Macmiil kastaa wax buu kaa iibsadaa, in aad kor u qaado inta adeeg ama inta shay ee macmiil kastaa kaa iibsanayo ayaa ka mid ah hababka ugu fiican ee lagu kordhiyo dakhliga shirkadda. Xaddiga uu macmiil kastaa ka iibsado ayey shirkaddu ku dedaalaysaa in ay kordhiso. Tusaale ahaan haddii aad macmiilka ka iibinaysay xabbad sharaab ah, in aad isku daydo in uu mar kaa wada iibsado xabbadii sharaabka ahayd iyo kartoon buskud ah. Adeeg kasta iyo alaab kasta oo shirkaddu haysay cabbirkaas saar.. Fikraddani waxa ay ku soo ururaysaa in macaamiishii hore ee shirkaddu lahayd uun aad wax badan ka iibiso. Waa hab aad ugu yar shirkadaha ama meheradaha ganacsi ee bulshadeenna, macmiil cusub in ay helaan keliya ayey xoogga saaraan, se in ay macmiilkii hore hantaan oo kordhiyaan dakhliga ka soo gelaya kuma fikiraan. Dunida maanta dooddaha ugu waaweyn dhanka suuqgeyntu waxa ay ka taagan yihiin in shirkaddu hesho macaamiil cusub iyo in ay macaamiisheedii hore haysato oo si joogto ah macmiil ugu ahaadaan midkee fudud ama qarash yar? Waxa la isku raacsan yahay in shirkaddu in ay haysato macaamiisheedii hore ay ka hawl yar tahay kasbashada macaamiil cusub. Haddaba, in aad kordhiso xidhiidhka maaciiisha hore idinka dhexeeya, kordhna u qaado dakhliga kaa soo gelaya ayaa ka muhiimsan in aad mar kasta xoogga saarto kasbashada macaamiil cusub. Labadaba waad is barbar wadi kartaa shirkaddu.

3. Kordhinta soo noqnoqshada macmiil kasta
Habkana waxa uu ka mid yahay hababka loo kordhiyo dakhliga ganacsiga. Macmiil kasta waxa aad isku deyaysaa in uu adeegaaga ama alaabtaada uu si joogto ah oo soo noqnoqosho leh kaaga iibsado. Inta badan ganacsiga bulshadeennu macmiilka in uu ku soo laabto ma daneeyaan ama uma arkaan mid muhiimad weyn leh. Xaqiiqo ahaan se dunida maanta tallaabooyinka suuqgeynta ee ugu waaweyn ayey ka mid tahay in shirkaduhu ku tartamaan sidii macmiilka maalin wax ka gataa uu ugu xidhnaan lahaa shirkadda, noloshiisa oo dhana wax uga iibsan lahaa. Waxa laga yaabaa in ay iska kaa dhex galaan qodobka labaad iyo kan saddexaad. Se waxa ay ku kala duwan yihiin qodobka labaad ee kordhinta dakhliga ganacsigu waxa uu ku saabsan yahay in macaamiisha hore aad ka iibiso xaddi alaabeed ama adeeg oo badan. Macnihii in aad adeegyadaada kordhiso oo ku soo darto adeega ama alaabta ay u baahan yihiin macaamiishaadu. Qodobkan saddexaadna waxa uu ku saabsan yahay in aad kordhiso in macmiilku ku soo laabto ganacsiga mar kasta oo wax kaa iibsado. Haddii macmiil kasta maalinka koobaad kuugu danbayso dib ugu noqo ganacsigaaga iyo shaqaalahaaga ba, sababta oo ah maalin kasta helida tiro cusub oo macaamiil ah kuma tiirsanaan karo ganacsigu.

4. Kordhinta Qiimeyaasha
In aad kordhiso qiimaha aad adeega ama alaabta siiso, waa doorashada ugu danbeysa ee shirkaduhu maanta adeegsadaan, balse waa dookha ugu horreeya ee Soomaalidu taqaano, ganacsatadeenuna adeegsato. In la dalaco qiimaha aad siinaysay waxa aad iibinaysaa waxa ay kordhisaa dakhliga shirkadda, balse waxa aad ku waayi doontaa macaamiil badan oo qiimihii hore kaga heli karta tartamayaashaada. Markaa doorashada ugu danbaysay ee lagu fursan waayo ka dhig qodobkan. Haddii aanay isku bixinayn shirkadu qiimaha ay hadda wax siiso, waa marka ay bannaan tahay in aad kordhiso qiimaha adeega ama alaabta shirkaddu gadayso. Balse mar kasta ka taxaddir in aad ku hammida in hal maalin aad ku taajirto oo aad ku fekerto in aan cidna aqoon qiimaha la siiyo alaabta ama deega aad qabanayso, kadibna aad qaaliyeyso.Taasi ganacsiyo badan bay lugoysay oo cawda u jartay, waana mid aad ugu badan bulshadeenna.
W.Q Abdisalam Ahmed Muse (Cagaf)
Tix raac: Buugga Personal MBA author by Josh Kuafman

1 Comment

  1. Abdi - April 7, 2019

    Qoraal aad iyo aad u anfac badan weeyaan, waxan kula talinayaa asxaabta in ay akhriyaan

Leave a Reply to Abdi Cancel reply

Your email address will not be published.

Your Comment*

Name*

Email*

Website