The Blog

Shirkad kabaha samaysa oo ku taalla magaalada Honkoog ee dalka Jayne ayaa jasiirad u dirtay dalabqaade si uu warbixin uga keeno. Markii uu gaadhay Jasiiraddii ayuu arkay dadkii oo aan kabo ba aqoon oo xidhan. Waxa uu uga warramay maamulkii shirkadda in dadka ku nool jasiiraddaasi aanay kabo xidhan ba. Suuqna shirkaddu aanay ka helayn. Shirkaddu kuma qancin warbixintii waxa ayna u dirtay mar labaad qof ka tirsan shaqaalaha iibka (Salesperson).

Iibiyihii markii uu uu ka soo laabtay jasiiraddii waxa uu maamulkii uga warramay in uu soo arkay suuq weyn oo fursad u ah shirkadda. “Dadka jasiiradda cid kabo ka iibisa ba ma jirto oo kabo la’aan baa haysa dhammaan” ayuu yidhi. Fursaddaa in ay shirkaddu ka faa’idaysato ayuu ku dardaarmay. Maamulkii shirkaddu waa ay ka baqeen in fursaddaas oo dhammi jirto. Waxa ay mar saddexaad u direen mid ka mid ah shaqaalaha suuqgeynta (marketer).

Suuqgeeyihii markii uu tagay Jasiiraddii waxa uu waraystay dadkii ku noolaa. Sababta ay kabo u xidhan waayeen ayuu ogaaday. Waxa uu kabaha faa’idadooda uga warramay maamulkii jasiiradda. Maamulkii shirkadda ayuu uga warramay: “ Dadka jasiiradda deggan aqoon uma laha kabaha iyo waxa ay taraan. Boqorka jasiiradda ayaan la wadaagay. Waxa uu ii sheegay boqorku in boqolkiiba 70% dadkiisu beerka kabaha ah siisan karaan $10. Sannadka koobaad waxa aan iibin karnaa shan kun (5000) oo beer oo kabo ah, in aan gaadhsiino kabaha Jasiiradda iyo qaybintoodu waxa ay beerka kabaha ahi inagu istaagayaan $6, waxa aan ka faa’idaynaa beer kasta $4. Sannadka koobaad $20,000 ayeynu samaynaynaa, taas oo soo noqoshada maalgelinteena ka dhigaysa (Return on investment rate) boqolkiiba labaatan (20%). Waxa ay boqolkiiba 5% ka badan tahay soo noqoshada maalgelimtii hore oo ahayd boqolkiiba ba 15%. Waxa aan warbixintan ku jirin faa’idada badan ee mustaqbalka ay shirkaddu gaadhi doonto. Suuqaa Jasiiradda in shirkaddu hore u gasho oo futprsadda aynaan dayacin ayaan soo jeedinayaa” Warbixintan waxa si weyn ugu qancay maamulkii shirkadda.

Sheekadu waxa ay muujinaysaa kala duwannaanshaha shaqada iyo aqoonta ee saddexdaa qaybood (order taker, salesperson and marketer). Ganacsiyada Soomaalidu waqti badan ma geliyaan suuqgeynta iyo muhiimna uma arkaan suuqgeeyaha ama dadka leh aqoonta suuqgeynta oo imika ah aqoonta tiir dhexaadka u ah guulaysiga ganacsiga.

W.T Bahda Han
F.G Sheekadu waxa ay ku jirtaa buugga Marketing Insight From A to Z (Philip Kotler)

Leave a Comment

Your email address will not be published.

Your Comment*

Name*

Email*

Website