The Blog

Amazon waa shirkad ku caan baxday in ay buugta ku iibiso habka onlineka ah, balse ganacsiga ay ku jirtaa uu ka ballaadhan. Markii danbe na noqotay shirkad iibisa qalabka elektarooniga, dawooyinka qurxinta, alaabta guryaha iyo xataa siistamada kala duwan ee internetka ku shaqeeya. Amazon waxa la aasaasay sannadkii 1994. Jeff Bozos oo ah yagleelaha Amazon waxa uu noqday ninka ugu taajirsan adduunka Julaay 2017. Waxa uuna kaalinta koobaad kala wareegay Bill Gate oo ahaa ninka ugu taajirsan dunida. Sannadkan aan ku jiro ee 2019 waxa warbixintii ugu danbaysa ay hantidiisa ku sheegtay in ay tahay 137 bilyan oo doollar.

Jeff Bozos waxa uu ku sheegay buugga laga qoray Amazon 2013kii ee la yidhaa The Everything Store ee uu qoray wariye Brad Stone saddex qodob oo ah sirta seeska u ah guusha Amazon ee ay kaga soo dhex baxday shirkaddihii labaatankii sanno ee la soo dhaafay tartanka adag la soo galay. Waa saddex qodob oo ah cashar weyn oo ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe ee Soomaalidu ay wax badan ka baran karaan.

  1. Customer Centre

Waa in udub dhexaadka ay ku taagan tahay shirkadda uu noqdo macmiilku. Shirkaddu hantida ugu muhiimsan ee ay ku xisaabtantaa uu noqdo macmiilkeeda. Waa in xoogga, hal’abuurnimada iyo hantidaba shirkaddu geliso darsida, qancinta, raalligelinta iyo barashada doonista macaamiishooda. Shirkaddu waa in ay u aragto macmiilka in uu yahay wadnaha dhiiga wareejinaya, haddii uu istaagana aaanay nololi u hadhin, waana sida xaqiiqadu tahay. Shirkaddo badan waxa ay xoogga saaraan alaabta ama adeega ay bixinayaan, kaas ayaa kala muhiimsan macmiilka iibsanaya ama waxa ay aaminsan yihiin haddii alaabta ama adeega diiradda la saaro in ay helayaan suuq fiican, se xaqiiqadu waxa ay tahay in shirkadda tallaabo kasta oo ay qaadayso xasuusan macmiilkeedu ay tahay ta guulaysanayaa. Shirkaddo kale waxa ay ka duulaan eegista tartamayaashooda waxana ay illaabaan macmiilkooda, taas ayaana lugaha dhulka ugu dhufata. Haddaba, shirkadda qaddarisa ee ku salaysa baahida macmiilka adeega ay qabanayso, sida oo kalena macmiilka la tashada, warbixin waydiisa, u oggolaata in uu ka faaloodo adeega ama alaabta ay iibinayso, ayaa ah shirkadda nolosheedu raagayso. Waa sirta koobaad ee Amazon ay ku dhaqmaysay dhawr iyo labaatanka sanno ee ay jirto. Waana sirta ka maqan ganacsigeenna, sababta oo ah macmiilka muhiimad weyn uma laha ganacsato badan oo Soomaaliyeed. Shirkadaha dunidu waxa ay marayaan in ay macmiilka siiyaan doorka iyo fursada uu qayb uga nqoon karo shirkadda. Taladeeda, horumarkeeda iyo manfaceedaba qayb ayey ka yihiin macaamiishu. Shirkaduhu lacagaha ugu badan waxa ay ku bixiyaan sidii ay ogaan lahaayeen qaab nololeedka macaamiishooda, heerka aqoontooda, jeebkooda iyo xaafadaha ay ku nool yihiin. Waxa ay jecelyihiin, waxa ay waqtiga ku bixiyaan iyo waxa ay ka fekeraan ayey dedaal u galaan shirkadduhu sidii ay u baran lahaayeen. Waxaas oo hawl ah waxa loo sameeyaa in macmiilka loo fahmay in uu yahay tiir dhexaad aanay la’aanteed shirkadna jirayn iyo in la ogaado doonista iyo baahida macmiilka oo ah halka ay ka dhalanayso adeega ama alaabta shirkaddu iibinaysaa. Haddaba, shirkadaha ganacsi ee bulshadeenna meheradaha yaryar illaa shirkadaha waaweyn uma arkaan macmiilka goobtooda ugu yimi, ee adeegooda iibsanaya in uu yahay muhiim, iska ba daa in ay waqti iyo qarash ku bixiyaane. Haddii aad xiisaynayso in aad sii ogaato muhiimada macmiilku leeyahay, oo aad jeceshahay in aad ganacsigaaga ku dabbaqdo, akhri qoraalka kale ee cinwaankiisu yahay {Muhiimada macmiilka iyo moogganaanta shirkadaha}.

 

  1. Long Term oriented

Waa in shirkaddu yool fog oo aanay ka daalin leedahay ama in shirkaddu mar kasta waqtiga taagan uu kala muhiimsanaado mustaqbalka iman doonna. In ay ku salayso waxsoosaarkeeda iyo adeega ay macmiiilka u fidinayso guusha mustaqbalka, balse aanay eegin meel soke. Jeff oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Shirkado badan marka ay wax isku dayaan ee uu shaqayn waayo sannad ama laba sanno ama saddex sano waa ay beddelaan oo waxa ay bilaabaan wax ay muddo kooban faa’ido kaga gaadhayaan, balse annagu waan wadnaa illaa aan ka gaadhayno mustaqbalka aan ka leenahay”. Waa xaqiiqada ganacsiyada casriga ahi ku kala tageen in adeeg ama alaab aad qabanayso oo macmiilkaaga u wanaagsan, haddii aanay shirkaddu hadda waxba ka dheefayn in aad wadi karto, joogteyn karto oo aad mustaqbal fog mar kasta ku xisaabtami karto.Inta badan dadkeennu waa qaar degdeg ku macaashka jecel, isaga oo roodhida/furunka iibinayey ayuu maqlayaa in daqiiqda/burka laga faa’iday, kaddibna waxa uu furanayaa tukaan gada. Haddaba, ku adkayso adeega ama alaabta aad iibinayso, joogtee xataa adiga oo ku qiimeyna baahida ay mustaqbalka fog u qabi doonnaan macaamiishu. Inta uu le’egyahay ganacsiga aad wado baahida ay u qabaan macaamiishu, ayey leekaanaysaa faa’idada aad ka gaadhaysaa. Amazon markii la aasaasay dadku waxa ay buugta ka iibsanayeen maktabadaha caadiga ah, ma ay jirin aamminaad badan oo dadku ay ku qabeen in aad online wax ku iibsan karto. Sida ku xusan buugga laga diyaariyey xataa waxa adkeyd in dadku lacagta bixiyaan illaa buugga gacantooda uu gaadho mooyee. Haddaba, caqabadahaas oo dhammi ma ay niyad jabin Amazon, balse waxa u muuqatay in mustaqbalka loo guuri doonno nidaamkan onlineka ah, oo ay yaraan doonnaan maktabadaha caadiga ah, qofkuna uu jeclaan doonno in gurigiisa loogu geeyo alaabta. Aragtidaa u muuqatay waa guusha ay maanta ku naaloonayso shirkadda iyo mulkiilaheedu ba. Shirkadda ama ganacsiga aad bilaabayso waa in aad ka leedahay mustaqbal aan dad badan oo kugu xeersan u muuqan, balse aad saadalin karto baahida fog ee iman doonta, si aad u guul weyn u gaadho.

  1. To Invent

Jeff waxa uu ku nuuxnuuxsaday in qodobka saddexaad ee ugu weyn guusha Amazon uu yahay hal’abuurnimo. Waxa ay hal’abuur ku noqdeen in ay mar kasta ka horreeyaan tartamayaashooda in ay saadaalin karaan waxa ay berri macaamiishoodu u baahan doonaan, halka shirkado badan xoogga saarayaan waxa maanta laga iibsanayo. “Shirkaddo badan waxa ay door bidaan in ay raciyad u noqdaan tarmayaashooda, Sababta oo ah taas baa ammaan ah ama khasaare yar, haddii se aad adigu curinayso suuqa ama shirkadda ugu horreysay ee hal’abuuraysa suuqa aad gelayso aad tahay waa khatar, waa in aad u badheedhaa”. In ay hormuud ama foolaad u noqdaan shirkadaha dhigooda oo iyagu markasta ay hagto curintu, waa sirta saddexaad ee Amazon ku guulaysatay. Hal’abuurnimadu marka ganacsiga la joogo waxa ay ciyaartaa doorka ugu muhiimsan. Tallaabo kasta oo la qaadayaa waa in ay leedahay hal’abuurnimo, sababta oo ah shirkadu waxa keliya ee ay shirkadaha suuqa kula tartamaya kaga badin kartaa waa in ay ka duwannaato, sida keliya ee ay uga duwanaan kartaana waa in ay hal’abuurnimo yeelato. Shaqo kasta oo gudaheeda ka socota in ay curin iyo markasta si ka duwan u qabashada xoogga saarto.

Saddexdan qodob waa qodobo saldhig u ah haddii aad doonayso in aad shirkaddaadu ay meel sare gaadho in aad raacdo oo dabbaqdo. Haddii lagu eego ganacsiyadeenne waxa kuusoo baxaysa saddexda qodob in aan aad ugu liidano .

W.Q Bahda Han
Tixraac: Buugga The Everything Store

Leave a Comment

Your email address will not be published.

Your Comment*

Name*

Email*

Website