The Blog

“Macmiilku waa ka keliya, ee dhammaanteen shaqada ka caydhin/eryi kara”
Sam Walton maamulaha shirkadda Walmart

Shirkado badan oo muddo kooban albaabada loogu laabay waxa sababta ugu weyn ka qaatay in shirkadda iyo shaqaalaheedu ba aanay garanayn qiimaha uu leeyahay macmiilku. Ganacsatada Soomaalida dhibka ugu weyn ee haystaa waa qiimeyn la’aanta macaamiishooda. Qofka shaqaalaha ah inta aan la barin qiimaha uu macmiilku leeyahay waxa la baraa qiimaha shayga ama adeega ay iibinayaan. Taasi waa ta keenta in qof aad ka iibsanaysay moobil uu kaa deyn waayo hal dollar, sababta oo ah shayga ayaa uga qiimo badan adiga oo ah macmiilkii qiimaha u yeelayey shaygan laftiisa. Dhammaan alaabta iyo adeegyada kalena taas ayey la mid yihiin. Dunidu halkay ka joogtaa qiimeynta macmiilka?
Waxa suuragal ah sida hadalka sare ka muuqata in aad is waydiiso sidee macmiilku shaqada inooga caydhin karaa? Macmiilku waa qofka u ah shirkadda isha dhaqaale ee quudisa. Haddii macaamiisha shirkaddu u wareegaan shirkad kale oo la mid ah oo waxba laga iibsan waayo, shirkaddii suuqa ayey ka baxaysaa , sidaa yeyna shaqaalihii ku shaqo beelayaan. Awoodda noocaas ah cidda lehi waa macmiilka.

Shirkad kastaa shaqaalaha cusub ee ay qaadato tababarka ugu horreeya ee ay siisaa waa daryeelka macmiilka {Customer care}. Shaqaalaha cusub waxa lagu layliyaa raalligelinta, ixtiraamka, qiimeynta, soo dhaweynta iyo qancinta macaamiisha. Larry Bossidy oo ah maamulaha shirkadda Honey Well ayaa shaqaalaha shirkaddiisa u sheegay in aannu maamulka ahayn cidda shaqaalaha ku darta ama ka saarta bayroolka. “Ma aha maamulka shirkadda cidda go’aamisa shaqaalaha ku jiraya nidaamka mushaar qaadashada, waa macmiilka.”

Maamulihii hore ee shirkadda General Electric sannadadii 1981-2001 Jack Welch ayaa isna shaqaalaha xasuusiyey in cidda keliya ee dammaanadqaadi karta shaqadoodu ay tahay macmiilka. “Qofna ma dammaanadqaadi karo shaqadaada, keliya macmiilka ayaa dammaanadqaadi kara”. Shirkadda Lands End oo ah shirkad iibisa dharka, ayaa waxa ay hal-ku-dhig uga dhigtaa shaqaalaheeda “Ha ka werwerin ka fikirka waxa u fiican shirkadda, balse ka werwer ka fikirka waxa u fiican macmiilka”.

Haddaba, waxa muhiim ah in ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe ba waqti badan ku bixiyaan sidii ay shaqaalahooda u bari lahaayeen qiimahau u leeyahay macmiilku. Qof kastaa waa macmiil, isagana waxa suuragal ah in dadka in ka mid ahi u yihiin macaamiil. Shirkadduhu dunidan casriga ah waxa ay u kala badiyaan sida ay u kala hor fahmaan sirta ilaalinta iyo qancinta macaamiishooda.

Haddii aad aragto laba shirkadood oo isku wax ka shaqeeya, haddana ku kala tagay suuqa, kuma ay kala badin lacag, se waxa ay ku kala badiyeen habdhaqanka ay u la macaamilaan dadka ku xidhan ayaa kala duwan.

Fadlan mention asxaabta/la wadaag saaxiib aad faa’idada la jeceshahay.

W.Q Bahda Han

Tixraac: Philip Kotler

Leave a Comment

Your email address will not be published.

Your Comment*

Name*

Email*

Website