The Blog

Dad badan waxa ay u guuldaraystaan hore ayey isku dhiibaan. Bilaabidda iyo guul gaadhsiinta ganacsigu waxa ay u baahan tahay adkaysi. Aabbahay waxa uu yaraantii nooga sheekayn jirey nin aad u jeclaa sharaabka soodhaha leh. Ninkii waxa uu go’aansaday in uu furo shirkad soo saarta sharaab uu u bixiyey 3UP. Muddo kooban markii ay jirtay shirkaddii ayey caqabado badan soo waajaheen. Kaddib waa ay kacday. Mar kale ayuu arkay in uu jecel yahay in uu shirkad furo weliba sharaabka soodhaha samaysa. Waxa uu ku fekeray mar haddii uu markii hore ku khasaaray magacii 3UP in uu markan bixiyo shirkaddii sharaabka 4UP. Shirkaddii bilowgii hore ba suuq xumo ayey la kulantay. Mar kale ayuu albaabada u laabay oo ku guuldaraystay.

 

Muddo dheer kaddib ayuu damcay in uu furo haddana shirkaddii sharaabka, waxa uu u bixiyey 5UP. Khibrado badan oo uu meheradihii hore ka bartay ayuu suuqa kula halgamay. Waana socodsiiyey sharaabkii. Haddana shirkaddii oo aan ka bixin marxaladdii hore ayaa kacday!. Markan niyadjab weyn baa soo gaadhay. Saddex jeer oo uu isku dayey ayaa guuldaraystay. Ganacsigu shanta sanno ee u horreysa waa inta ugu dhibka badan, waana inta dad badan ka hor istaagtay in ay noqdaan ganacsadeyaal. Dadku waa sababta ay shaqaalennimada uga door bidaan ganacsade noqoshada. Mar kale ayuu ninkii isku dayey in uu sameeyo shirkad soo saarta sharaabka soodhaha leh. Waxa uu u bixiyey 6UP. Muddo markii uu khibraddiisii hore ku socday, caqabado badan ku caabbiyey, haddana shirkaddii waa ay musalaftay. Niyadjab weyn oo ku riixay in ganacsi iyo afaarihiisaba uu faraha ka qaado ayaa soo gaadhay ninkii.

Haddii waqti ka soo wareegay kiciddii shirkadda, ayaa nin kale oo la socday marxaladaha shirkadda hore uu sameeyey shirkad samaysay sharaabka soodhaha. Waxa uu u bixiyey 7UP. Waa soodhaha meel kasta yaalla, waxana ay noqotay shirkad guulaysata. Ma aanan. garanayn sababta uu yaraantii aabbo noogu celcelin jirey sheekadan, balse waxa aan ogaaday markii aan weynaaday. Waxa uu na bareyey in aan nolosha ganacsiga iyo guud ahaan noloshaba aan la is dhiibin, sababta oo ah waxa suuragal ah in guusha marka aad ugu dhaw dahay aad is dhiibto. Ninkii shirkadda afarta jeer sameeyey waxa uu marayey 6UP, halka markii uu niyadjabayna nin kale sameeyey sharaab la yidhaa 7UP oo guulaystay.

W. Q Donald Trump (Madaxweynaha Maraykanka)
W.T Bahda Han

F.G Sheekadu waxa ay ku jirtaa buugga (Why We Want You to Be Rich ee ay wada qoreen Robert.T.Kiyasoki iyo Donald Trump 2006dii.

Leave a Comment

Your email address will not be published.

Your Comment*

Name*

Email*

Website